Post View....

Maxamuud Sayid Aadan “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaan wadahadal la gali doonaa..”

0
57

Madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay oo sheegaya in wada-hadal uu socdo isaga iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland in wararka la faafiyay ee ah inuu wada-hadal kula jiro Dowladda Federaalka ay yihiin kuwo been abuur ah oo la doonayo in Bulshada lagu Jahwareeriyo.

Madaxweyne Ku xigeenka wuxuu sheegay in Maxamuud Siyad Aadan iyo Madaxda dowladda ay wada-hadli karaan, hayeeshee wada-hadalkooda uusan aheyn mid qarsoodi ah, balse uu noqonayo mid laga wada ogyahay.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaan wadahadal la gali doonaa oo kaliya haddii ay shacabka iyo xukuumadda Jubbaland u wakiishaan, isla markaana la doonayo in lagu xaliyo Khilaafyada jira qaab wada hadal” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland .

Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay in la yaab ay noqotay markii uu maqlay warar ay warbaahinta qaarkood baahiyeen oo ah in wadahadal uu kula jiro dowladda Federaalka, wuxuuna dadka faafiyay wararkaas ugu baaqay inay iska daayan beenta.

Ku xigeenka Jubaland wuxuu sheegay in dowladda Federaalka aysan weli soo dhaweyn dib u doorashii Madaxweyne Axmed Madoobe uuna jiro wadashaqeyn la’aan labada dhinac, hayeeshee aysan doonayan in la xaliyo Khilaafyada jira si loo wadashaqeeyo.

Dhanka kale Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf siyaasadeed oo sababay in xayiraad dowladda Federaalka ku soo rogtay deegaanada Jubbaland iyo dagaalo geystay Khasaaro oo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulkaas.

About Author