Post View....

Maxaa ka jira Sheekh Cali Wajiis In Laga Helay Cudurka Coronavirus+Sheekh oo ka hadlay

0
65

Baraha Bulshada ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyay warar sheegaya in Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed laga helay Cudurka halista ee Coronavirus, hayeeshee Sheekha ayaa ka hadlay Warkaas.

Sheekh Cali Wajiis oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku beeniyay wararka la faafiyay ee sheegayay in isaga laga helay Coronavirus, isla markaana lagu kala cararay hotel uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis ayaa waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed u caddeeyay inuu Caafimaad qabo, isla markaana wararka laga faafiyay hotelka Dayax uu degan yahay uu yahay mid been abuur ah.

Ugu dambeyntii Cali Wajiis ayaa tilmaamay in laba Isbuuc kahor uu hal maalin qabtay Hirgab uuna ka bogsaday, wuxuuna Carabka ku dhuftay in wax dhib ah uusan ka jirin Hotel Dayax oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

“Asc umada soomaaliya ee muslimka waxaan u sheegayaa in Warla beentaa ee laga qoray Dayax hotel ee uu faafiyay Cali Aadan muumin ee ah in hotelka lagu kala cararay dad degan oo sh caana ku jirana looga shakiyay Corona waxaan cadeynaayaa in marka hore anigu aan caafimaad qabo 100% xataa hargab ima haayo oo 2-isbuuc ka hor ayuu maalin I qabtay waana ka bogsaday hotelkana waax dhaba kama jiro waana camiranyahay marka wararka dacaayadahaa ee la wareejinaayo halaga fiirsado” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Si kastaba Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Magaalada Muqdisho laga helay saddex qof oo qaba Cudurka Coronavirus, kuwaasi oo lagu karantiilay meel gooni ah oo dowladda ugu talagashay.

 

About Author