Post View....

Madaxweyne Deni oo magacaabay Saraakiil ciidan ka dib weeraro is xigay oo ka dhacay Bosaso iyo Garowe.

0
59

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday taliye ku xigeenkii qeybta Booliiska gobolka Bari, G/dhexe Cabdirashiid Barre Maxamed Aaamusane.

War-qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland, ayaa taliye ku xigeenka cusub ee Booliiska gobolka Bari loogu magacaabay G/dhexe Cabdifitaax Maxamed Maxamuud Qaal, oo laga soo wareejiyay ciidanka Daraawiishta Puntland.

Sida dikreetada ku xusan, waxaa go’aankaas loo qaatay dardar gelinta Amniga gobolka Bari, xilli maalmahan falal amni-darro ka dhacayeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Halkaan ka aqriso Wareegtada Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.18, March 30, 2020 kuna saabsan wareejin Sarkaal iyo u magacaabid Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.Markuu tixgeliyey: Dar-dar gelinta Arrimaha Amniga Gobolka Bari.

Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/Dhexe Cabdikaafi Maxamed Maxamuud Qaal laga soo wareejiyay Ciidanka Daraawiishta loona wareejiyey Ciidanka Booliska Puntland, isla markaana waxaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari.

Al Shabaab ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay sadex weerar ka gaystay deegaanada Maamulka Puntland oo kala dhacay Goboladda Bari iyo Nugaal waxaana lagu dilay Masuuliyiin Maamul iyo saraakiil ciidan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilalkaan, waxaana ujeedka ay ku sheegeen in uu qayb ka yahay howlgal ka dhan Dowlad Goboleedka Puntland iyo xubnaha maamulka katirsan sida ay hadalka u dhigeen.

Magaalada Boosaaso waxaa kusii kordhaya dilalka loo geysanayo Askarta iyo xubnaha katirsan Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana Al shabaab iyo Daacish saldhigyo ciidan ku leeyihiin deegaanada buuralayda ah ee Gobolka Bari.

 

About Author