Post View....

Madaxweynaha Tanzania oo diiday in la xiro goobaha lagu cibaadeysto

0
59

Madaxweynaha Tanzania John Magafuli ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kaddib markii uu diiday in la xiro goobaha cibaadada, si loo xakameeyo Cudurka Coronavirus.

Inkastoo dowladda Tanzania ay qaaday tallaabooyinka looga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus ayaa xirtay Iskuulada, karantiilka dadka ajaaniibta iyo mamnuucida munaasabadaha ay dadka isugu yimaadaan, balse dowladda ayaa diiday in la xiro Kaniisadaha.

John Magafuli ayaa sheegay in Fayraska uu yahay Shaydaan, sidaas darteed aanu ku kobci karin kaniisadaha sida uu hadalka u dhigay.

Hase ahaatee Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Civic United Front Ibraahim Lipumba ayaa VOA u sheegay in haddii dadku sii wadaan isu imaatinka fagaaarayaasha dadka badan isugu yimaadaan uu khatar ka imaan karo.

Dalalka Adduunka ayaa gebi ahaanba joojiyay isu socodka duulimaadyada, isu imaanshaha fagaarayaasha, waxaana magaalooyin badan la geliyay bandow, si dadka guryahooda u joogaan, loogana hortago Coronavirus inuu faafo.

 

About Author