Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay Maanta soo geba-gabeeyeen diiwaangelinta musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxigeenka.
Xilka guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa isku soo taagay Shan musharax oo kala ah laba u taagan qabashada xilka guddoomiyaha iyo laba u sharaxan xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo mid u sharaxan xilka guddoomiye kuxigeenka labaad.
Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigey Magacyada Musharixiinta ku tartamaya xilka Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed.