Post View....

Kuxigeenka Galmudug Oo Maanta Hortegay Baarlamaanka & Wixii Uu La Kulmay

0
41

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta hortagay Gudiga joogtadda ah ee barlamanka Galmudug.

Kulanka waxaa shir gudoomiyay ku simaha Gudoomiyaha barlamanka Galmudug ahna Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee barlamanka, Marwo faadumo Faandhe.

Mudane, Cali Ciid ayaa Warbixin guud Siiyay gudiga joogtada ah ee barlamanka galmudug.

Sido kale Madaxweyne ku xigeenka waxaa uu barlamanka uga warbixiyay Xaalada Amni,Siyaasad iyo dhaqan dhaqaale ee Galmudug iyo dadaalka logu jiro ka hortaga Cabuqa Covid 19

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Cali Ciid ayaa Gudiga joogtada ah ee barlamanka ka codsaday in la siiyo mudo kale oo 30 bari ah oo lagu qaban doono Caleema saarka madaxda Galmudug.

mudane Cali Ciid ayaa ku sababeeyay mudo kardhintaan Cabsidda laga qabo in uu faafo cudurka Covid-19 .

Gudiga Joogtada ah ee barlamanka Galmudug ayaa dood ka yeeshay soo jeedinta mudo kordhinta caleema saarka madaxda Galmudug, dood kadib Gudiga ayaa cod gacan taag ah madaxda Galmudug ugu ogolaaday in mudo 30 bari la kordhiyo mudada caleema saarka Madaxda Galmudug.

Mudane Cali Ciid ayaa Gudiga joogtada ah oga mahad celiyay mudo kardhinta aay mar labaad u sameeyeen.

Madaxda Galmudug iyagoo ka Fakaraya badqabka Iyo Badbaadada bulshada Soomaliyeed ee kasoo qeyb galeysa Caleema saarka madaxda Galmudug ayeey mudo 30 bari ah Dib U dhigeen Caleema saarka madaxda Galmudug.

      

About Author