Post View....

Kulan looga hadlayey Arrimaha doorashooyinka Somalia oo Muqdisho lagu qabtey & Labo qodob oo khilaaf kajiro

0
71

Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarruunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka waxaa Shir guddoominaayay guddoomiyaha Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka Madane Ibraahim Isaaq Yarroow.

Kulanka uu guddiga la yeeshay guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka qarankaa ayaa ahaa latashiyo iyo isxog-wareysi ku aadan 4ta xeer ee guddiga loo soo xilsaaray in ay kasoo shaqeeyaan ee kala ah.

  1. Xeerka Deegaameeynta Kuraasta.
    II. Xeerka xaqiijinta Qoondada Haweenka.
    III. Xeerka Doorashada xubnaha labada Aqal ee kazoo jeeda Gobolladda Waqooyi(Soomaaliland).
    IV. Xeerka xaquuqda metelaada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil {xaliimo yareey} ayaa guddiga u soo bandhigtay talooyinkooda ku aadan xeerarka muhiimka u ah dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil {Xallimo Yareey} latashiyada iyo talooyinkooda muhiimka ah ee la xarrriiro xeerarka dhamaystirka ah ee sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Kulankaan uu manta guddiga la yeeshay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaana qeyb ka noqonaayo kulamo uu guddiga la yeelanaayo qeybaha kala duwan ee uu quseeyo xeerarka dhamaystirka u ah sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ah.

 

About Author