Post View....

Kenya oo lagu soo rogay bandow habeenkii ah kadib xaalada cudurka coronavirus

0
58

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay bandow xilliyada habeenkii ah oo ka bilaabanaysa 7da fiidnimo illaa iyo 5ta aroornimo.

Bandowgan oo dhaqan galaysa Jimcaha soo socota ayaa waxaa ay tahay mid lagu doonyo in loogaga hortago faafida cudurka Coronoviruska.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in bandowgan uu saameyn doono dhammaan gobolada dalka Kenya si loola dagaalamo fidista cudurka Coronoviruska.

Sidoo kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku dhowaaqay in la dhimayo mushaarka shaqaalaha dowlada.

Warkan uu ku dhowaaqay Madaxweynaha Kenya ayaa ku soo beegmay xilli tirada dadka uu cudurka Coronovirus laga helay dalka Kenya ay gaartay illaa iyo 28 ruux.

Hase yeeshee, Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku sheegay in mid ka mid ah bukaanadii laga helay cudurka Covid 19 ee dalka Kenya uu ka bogsaday cudurka.

Qaarada Afrika ayaa wadamo gaaraya 43 dal laga helay dad qaba cudurka Coronoviruska iyadoo guud ahaan dadka laga helay cudurkana ay tiradoodu gaareyso 2,412 ruux.

Si kasta ahaatee 15 wadan oo ka mid ah dalalka uu ka jiro cudurkan kuna yaal qaarada Afrika ayaa shaaciyay in qaar ka mid ah bukaanada Coronoviruska ay ka bogsadeen cudurka.

About Author