Post View....

Horay Isu Dhig Kaligaa !!! =Faallo Xiiso Xambaarsan=

0
90

Qofkasta oo damacsan inuu is-hormariyo waxaa laga doonayaa inuu leeyahay qoraal cadeynaya waxa uu jecelyahay inuu gaaro mustaqbalka, kaas oo hagaya noloshiisa. Qoraalkaas oo uu qofku ku qorayo warqad, kuna cadeynayo waxa uu damacsan yahay mustaqbalka. Isla markaana uu dajisto hadafyada uu ku gaarayo waxa uu damacasan yahay. Hadaba,Waa maxay Qoraal Nololeedka Qofeed? Muhiimadda ay u leedahay qofka? Sifadda laga rabo qoraalka, iyo sida loo qorto Qoraal nololeedka.

Waxaa la yiraahdaa Qoraal Nololeedka Qofeed: waa qoraal, qofku uu ku cadeynayo waxa uu diiradda saarayo, rabana inuu mustaqbalka gaaro – haduu Alle idmo-. Sidoo kale waxaa lagu qeexaa waa erayo kulminaya waxa qofka uu damacsanyahay ama uu hiigsanayo mustaqbalka.

Sababaha keenay in uu qofka uu qorto warqad cadeynaysa hadafkiisa ayaa ah; in qoraalku uu qofka siiyo dareen ah meesha uu u socdo, waxay kaloo ku kaalmeysaa in uu qofka kala ogaado waxa muhiimka u ah iyo waxa aan muhiimka ahayn. Sidoo kale waxay u fududeysaa go’aanada uu qaadanayo.

Noloshana waxay siinaysaa qiimo, iyo dareen ah inuu wax hiigsanayo. Sidoo kale waxay siineysaa tab ama qaab uu uga faa’iideysto awoodiisa si sax ah. Tusaale ahaan, marka aad taqaanid waxa waajibka kugu ah in aad sameysid, waxaa kuu sahlan in aad abaartid oo qura meeshaas, sida jiheeyahaba uu u abaaro dhanka waqooyi kaliya.

Qoraalkan waxa uu ku saabsan yahay “Habka ugu sahlan ee is-hormarinta qofeed”. Sababaha igu kalifay in aan wax ka qoro mowduucan ayaa ah, kadib marki aan u kuur galay qoraalada loogu faa’iideeyo bahweeynta soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa is-hormarinta ku salaysan, ayaan arkay in ay aad u yaryihin shacabkuna u baahanyahay in badan oo wacyi galin ah. Sidoo kale waxaa badatay kuwo ku wajahan dhanka siyaasadda. Waxaa kaloo soo badanaya da’ yarta rabta inay ku tilaabsato mustaqbal fiican, una baahan hagid joogta ah iyo tusaaleyn wacan. Sidoo kale, in badan oo bulshadda ka tirsan ayaa si joogta ah u isticmaasha internetka, akhriyana qoraaladda la soo qoro. Intaas iyo in kasii badan ayaa igu dhiira galisey in aan wax ka dhaho ama aan wax ka qoro mowduucaan kaas oo aan ugu tala galay in aan kaga qayb qaato dhiira galinta cid kasta oo daneynaysa in ay is hormariso.

Haddaba Waa maxay is-hormarin qofeed? Maxayse tahay muhiimadda ay leedahay? Waa maxayse tiirarka ay ku qotonto ama ku taagantahay?

Muddo dheer oo aan u kuur galayay hormarinta qofka iyo hormarinta maamulka waxaa iiga soo baxday in macnaha rasmiga ah ee hormarinta qofeed aysan laheyn qeexid laysku waafaqsan yahay ama heshiis lagu wada yahay. Qoraa kastana si buu u qeexaa, in kastoo isku dayo badan ay sameeyeen khubaradda maamulka, tababarayaasha, iyo kuwa xiiseeya Is-hormarinta qofeed, ayay ku sheegeen sida tan: Is-hormarinta qofeed: waa hannaan shareecada islaamka waafaqsan, qofkuna ku hormarinayo ama ku raadinayo xirfad, cilmi, dhaqaale, hab-dhaqan toosan, iyo xiriir bulsho, taas oo gaarsiinaysa inuu dareemo raali ahaansho iyo nabad gudaha ah, kuna kaalmeyneysa inuu diiradda saaro sida uu u gaari lahaa hadafyadiisa nololeed, iyo sida uu ugu guulaysan lahaa culaysyada soo wajaha, ee hakinaya horusocodkiisa.

Qeexitaankaan wuxuu ku dhisan yahay qodobo muhiim ah oo kala ah: Hadafka ama Yoolka guud ee qofka muslimka ah uu nolosha ka leeyahay ayaa waxay tahay in uu gaaro raali ahaanshaha Alle, galana Janadiisa. Sidaa daraadeed, waa inuu u dhaqmaa qofku hab gaarsiinkara Yoolkaa, una camal falaa si uu u gaaro hadafkaas. Intaas waxaa dheer dhamaan Ahdaafta kale waxay kaalmeynayaan hadafkaas nololeed ee guud. Tusaale ahaan Doonisyada kale ee qofka waxaa ka mid ah inuu hanti tabco. Hadaba waa in lagu tabcaa wado Xalaal ah si ay u kaalmeeyso hadafka guud ee nolosha.

Isku soo wada duub Is-hormarinta waa in ay tahay mid ku salaysan ama waafaqsan Diinta Islaamka. Qofka loogama baahna inuu ka raadiyo Is-hormarintiisa waxyaabo aan waafaqsaneeyn shareecadda Islaamka. Is-horamrinta waxaa sal u ah xoojinta sidii uu u nadiifin lahaa qofka nafsadiisa si uu u gaaro dhameystirnaanta Iimaanka ama sare ugu qaado. isla markaana uu ka fogaado wax kasta oo hoos u dhigaya Iimaankiisa. Sidoo kale Is-hormarintu kuma xirna da’ ama xili go’an, ee waa hawl joogta ah oo looga baahanyahay qofka. Isla markaana uu ku dadaalo wax kasta oo ka qeyb qaadanaya hormarkiisa, ha ahaato Cibaado fara badan, cilmi kororsi, abuuris xiriir fiican oo bulshada dhexdeeda ah.
Muhiimadda Is-hormarinta.

Ugu horeyn ma jiraan aduunkaan wax sugan, wuxuuna had iyo jeer uu ku jiraa isbedel joogto ah sidaas darteed waxaa loo baahanyahay sidii loola qabsan lahaa isbadaladaas, uuna qofku si joogta ah isu hormarinlahaa si uusan uga harin Tareenka nolosha.
Waxaa kaloo jirta baahi joogta ah oo ah dhinaca xirfadda iyo macluumaadka intaba, qof kastana wuxuu u baahan yahay si joogta ah inuu u baadi goobo.

Suuqyada shaqadda ma naxariistaan ma naxaan Sida Meesha aan haatan anigu ka shaqeeyo ee waxay u baahanyihiin xirfado cusub iyo macluumaad dheeri ah. Haddii aadan aheyn qof si joogta ah isku hormariya, tartanka shaqadda waad ka hareysaa, wayna kugu adkaaneysaa in aad la qabsatid shaqada, haddii aad goobta shaqada ku sii yeelato cadaw kulafa jabinayana kumaba sii jiro xaaladda Culaysyadda nolosha soo wajaha way badan yihiin sidaa daraadeed waxaad u baahan tahay in aad markasta baratid tabaha iyo sidii aad ula dhaqmi lahayd ama uga gudbi lahayd Culeeysyadaas adiga oo aan cabanin ama aadan calaacalin, sababta oo ah noloshuba waa wada halgan, waxaana waajib kugu ah adiga oo dhan ka afuufaya xaaladda si aad u qaboojiso ayaad dhanka kalana ka xiiraysaa iyada oo aan lagu garan.

Is horumarintu waxay Leedahay Tiirar

Wax kasta sal iyo asaas ayay leeyihiin, hadaba halkan waxaan si kooban ugu sharxi doonaa Shanta Tiir sida ay ila tahay Aniga Absuge ahaan ee Is-hormarintu ku taagantahay. Waxayna kala yihiin sidan hoos ku qoran:

Horta Ma is taqaan:

Qofku waa in uu isweydiiyaa kumaa tahay? Maxeyse tahay awoodaada iyo xirfadda aad leedahay? Hadii uusan qofku su’aalahaas jawaab rasmi ah u helin, waxaa ku adkaan doonta inuu Is-hormariyo.

Maxaad Noloshaada Ka Damacsan Tahay:

Waxaan ula jeedaa qofku waa in uu leeyahay qoraal cad oo cadeynaya hadafka uu leeyahay kuwo dhow iyo kuwo fogba Hadafyada fogi waa kuwa lagu hiigsado gaaritankooda mudo ka badan sanad sida in uu qaato degree jaamacadeed iwm. Hadafyada dhawi waa kuwa lagu higsado gaaritaankooda mudo sand ama ka yar ah, waxayna u adeegaan sidii lagu gaari lahaa hadafyada fog sida barasho loqadeed iwm. Taasi macnaheedu waa in qofku leeyahay meel uu ka duulayo, ogyahayna meesha uu u Duulayo, laakiin hadii uusan ogeyn meesha uu u socdo iyo meesha uu hada joogo waxaa cad in uu ku fashilmayo is-hormarintiisa.

3. Xiriirka Dadka Kale Iyo Xakamaynta Naftaada

Waa in aad taqaanid waxa aad ka rabtid ama ka damacsantahay nafsadaada iyo tan dadka kalaba, oo aad ka dhaadhicin kartid waxa aad damacsantahay, weydiin kartid waxa aadan fahmin, adigoo adeegsanaya qaabka iyo sida ugu wacan ee lagula xeriiro dadka kale.

Hadaba waa lama huraan in aad hormarisid xirfadaha kaa kaalmeynaya xeriirka iyo bulshanimadda, isla markaana aad ogaatid in ay lama huraan tahay in aad xiriir fiican la yeelatid dadka kale, ogowna waxa kula saxani, qof kale waa ay la qaldanaan karaan.

Tusaale ahaan 20 qofood hadii aad weydiisid “Maxaa la dhahaa GUUL?” mid kasta si ayuu kuugu sheegayaa taasoo ah sida uu u arko inay tahay guusha macnaheeda. Sidaa darted waa in aad taqaanaa sida aad ula dhaqmi laheyd naftaada iyo tan dadka kale intaba.

4. Yeelashada Xirfad Kaa kaalmaysa Noloshaada.

Waxaan ula jeedaa in aad leedahay hanti aad uga maarmi kartid in aad dad kale wax weydiisatid. Soomaalida ayaa tiraahda “Bukto badan iyo Baryo badan waa la isku nacaa” Taasi waxay kugu dhiiri galinaysaa in aad abuuratid illo dhaqaale, Maxaa yeelay hadii aadan heysan lacag aad isku hormarisid ama aad isku maal galisid Is-hormarintu wey adag tahay in ay sidii la rabay noqoto.

5. Waa in aad Wax Barataa inta aad Nooshahay

Tani waxay tilmaameysaa awooda aad u leedahay inaad si fudud ama dhaqso ah ku heli kartid kuna kobcin kartid macluumaadka iyo cilmigaagaba, adigoo adeegsanaya marba xirfadda aad u baahan tahay ee kaa kaalmeyneysa waxa aad ubaahantahay. Tusaale ahaan maanta oo caalamkii uu noqday tuulo oo kale, oo macluumaad kasta aad ku heli kartid muddo kooban, bal kawaran hadii aadan aqoonin sida loo adeegsado internet-ka. Sidaa daraadeed waa in aad abuurtaa amaba kordhisaa xirfadaha kugu saacidaya kororsiga cilmiga.

Shantaan tiir ee aan soo sheegay, ayaa u ah jiridka ama salka dhabta ah oo ay ku taagantahay Is-hormarinta qofka la’aantoodna ay adagtahay inuu qofku Is-hormariyo.

FIIRO GAAR AH:

Qormadaan waxaan si kooban uga hadlay “waa maxay Is-hormarinta qofeed? Muhiimadda ay leedahay iyo Tiirarka ay ku qotonto. tani waa isku day aan sameeyey oo ku aadan sidii aan ugu faa’iidayn lahaa ruux kasta oo doonaya sidii uu naftiisa u hormarin lahaa Wixii sixid ah ama qaladaad ah, tusaaleyn ama talo ah adigoo mahadsan raaligalin baan kaa Siinayaa!!!

WQ:C/Risaaq Axmad Absuge

About Author