Post View....

Guddoomiye C/Maalik oo farriin culus u diray xisbiyada iyo shacabka Soomaaliyeed

0
52

Xarunta xisbiga sinaanta midnimada nabadda magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan dhif iyo naadir ah, kaasi oo looga hadlay xaaladda kala guurka ah ee uu dalka uu marayo gaar ahaan go’aanka xisbigaasi ku wajahayo iyo qodobo kale.

Guddoomiyaha xisbigaasi C/Maalik Xasan Tagsi oo markiisii ugu horeysay yimid Muqdisho ayaa halkaasi loogu sameeyay kulan soo dhoweyn ah, iyadoo kulankaasi ay ka soo qeyb galeen madax, wakiilada gobolada xisbiga, xubno ka tirsan xisbiga iyo marti sharaf kale.

Caaqil Jaha Xasan Ibraahim ayaa ka warbixiyay howlaha kala duwan ee uu dalka ka wado, gaar ahaan diyaar garowga uu xisbiga SMN ugu jiro sidii uu ugu baahi lahaa inta badan gobollada dalka si uu ugu guuleysto darajada labaad ee ay bixiyaan guddiga doorashooyinka.

“Farxad noo tahay inaan maanta xarunta xisbiga ku soo dhoweyno guddoomiye C/Maalik oo nooga yimid dalka Mareykanka” ayuu yiri Caaqil Jaha oo sheegay in guddoomiyaha maalmaha uu dalka joogo wax badan ka qaban doono howlaha faraha badan ee xisbiga.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xubnaha xisbiga sinaanta midnimada nabadda ayaa halkaasi ka hadlay ka jeediyay khudbado kala duwan oo ay uga hadleen dardar gelinta howlaha kala duwan ee xisbigu ka wado dhammaanba gobolada dalka.

Guddoomiyaha xisbiga SMN C/Maalik Xasan Tagsi ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad uu ku soo xirayay munaasabadda soo dhoweyntiisa, wuxuuna ugu horeyn uga mahad celiyay sida magaalada Muqdisho loogu soo dhoweeyay, gaar ahaan madaxda iyo taageerayaasha xisbiga.

“Waxaan aad iyo aad uga mahad celinayaa soo dhoweyntii quruxda badneyd ee Muqdisho, anigoo hortiina ka ballan qaadaya inaan waxba la harin doonin sidii aan u gaari laheen yoolka aan hiigsaneyno” ayuu yiri Guddoomiye C/Maalik oo hoosta ka xariiqay inuu booqanayo xarumaha xisbiga ee ku yaala gobolada dalka qaarkood.

Xisbiga SMN oo lambarka 25-aad uga jira diiwaan gelinta guddiga doorashooyinka marka loo eego 80-ka xisbi siyaasadeed ee dalka ka jira, hase yeeshee guddoomiyaha xisbigaasi ayaa tilmaamay in sanadkan intuusan dhammaan wuxuu farta ku goday rajo fiican ka qabo sidii ay uga bixi lahaayeen KMG-nimada xisbigooda uga diiwaan gashan una gudbo darajada labaad  mustaqbalka dhow.

“Dalka wuxuu qaatay nidaamka axsaabta, waxaana ugu baaqayaa dhammaan xisbiyada dalka ka jira kordhiyaan dadaalkooda ku aadan isbedelka dalka ka dhacaya” ayuu yiri Guddoomiye C/Maalik oo sidoo kale shacabka ku booriyay inay si xor ah ugu biiraan xisbiga ay doonayaan, inkasta oo uu sheegay inuu ka welwel qabo mudada ka harsan ay xisbiyada ku dhameystiri karaan nidaamka uu dejiyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

About Author