Post View....

Guddoomiyaha G/Banaadir oo daah furay ololaha wacyi-gelinta ka hortagga cudurka COVID-19+Sawirro

0
63

Muqdisho:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daah furay ololaha wacyi-gelinta ka hortagga cudurka COVID-19 oo dhibaato adag ku haya nolasha iyo horumarka caalamka.

Xarunta Dowlada hoose ayaa lagu soo bandhigay Gaadiid ay ku xiran yihiin cod baahiyaal loogu talagalay in bulshada lagu gaarsiiyo fariimaha wacyigalinta ee ka hortagga Coronavirus iyo shaqaale loo tababaray howlaha ka hortagga Covid-19.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadi, Basma Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in Dowladda hoose ee Xamar ay ka go’antahay wacyi-gelinta bulshada, isla markaana la joogteyn doono.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir ay xoojin doonaan ololaha wacyi-gelinta, isagoo xusay in la diyaariyay goob lagu karantiilayo Dadka ka imaanaya Waddamada uu ka jiro cudurka ee ka soo degaya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

About Author