Post View....

Garoon diyaaradeed oo loogu magac daray Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir (Sawirro)

0
66

Madaxweyneaha maamulka Hirshabelle Mohammed Abdi Ware ayaa maanta si rasmi ah magaca uga badalay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle.

Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa maanta loogu magac daray Gudoomiyihii hore ee gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Dhaxe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo maanta ka hadlay munaasabada magaca looga badalay garoonka Jowhar ayaa sheegay in Maxamed dheere ahaa hogaamiye weyn, waxa uuna tilmaamay in maanta kadib garoonkan loogu magacdarayo Maxamed Dheere.

Maxamed Dheere ayaa sanado badan Gudoomiye ka ahaa gobolka Shabeelaha Dhaxe , waxa uu sidoo kale Gudoomiye kasoo noqday gobolka Banaadir , waxa uuna Siyaasigan kamid ahaa siyaasiyiintii saameynta lahaa  xiligii bur burka.

 

 

About Author