Post View....

“Galmudug waxa ay soo martay dhibaato, maanta oo la mideysan yahay waa in laga faaiideystaa” Xildhibaan Cabdixakiin Macalin.

0
61

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo katirsan Golaha Shacabka BFS oo wareysi gaar ah siiyay Mustaqbal waxa uu ka xog-warramay howlihii geeddi socodka ee dhismaha Galmudug loosoo galay.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in marba heer la gaarayay si looga gungaaro dhismaha Galmudug ay ku mideysan yihiin Saamileyda siyaasadeed ee deegaanada Galgaduud iyo Mudug qayb kamid ah uu ka kooban yahay Maamulka.

Dadka Galmudug waxa uu ugu baaqay in ay ka faaiideystaan fursadda wanaagsan ee hortaal, maadaama khilaafaadka iyo caqabadaha ku hor gudboonaa dhismaha Dowlad Goboleedka laga gudbay sida uu hadalka u dhigay.

“Galmudug waa deegaan hub iyo gaadiid badan uu yaallo, dadkiisu heshiis dhameystiran kama gaarin dhismaha Maamul ay ku mideysan yihiin si ay wax isugu darsadaan, duruufta dhaqaale oo intaa u dheereed waxa ay sababtay in uusan shaqeyn Maamulka“ Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed.

Xildhibaanka oo soo sii hadlay waxa uu sheegay in dhammaan marxaladihii kala duwanaa ee soo wajahay Dowlad Goboleedka Galmudug aysan kahor istaagin xulista Xildhibaanada BFS si lamid ah Maamul Goboleedyada kalena lagu soo xulay.

Isbadalka jira waxa uu ku sifeeyay horumar loosoo dhabar adeegay, maadaama Madaxda sare ee Galmudug loo mideysan yahay, isaga oo sheegay in arrintaan oo lagu daray xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya DFS uu u horseedi karo in uu miro dharo Maamulka.

Waxa uu soo jeediyay Xildhibaan Cabdixakiin Macalin in aan la carqaladeyn Maamulka Curdinka ah ee Galmudug, taa badalkeeda lala shaqeeyo madaxda cusub lagu gacansiiyo sidii ay waxqabad wanaagsan u tiigsan lahaayeen.

“Marxaladda cusub ee ah Galmudug isla socoto oo inta badan dadku wada taageersan yihiin waa horumar la gaaray, haddii maamulka uusan ku tiirsaneen Dowladda dhexe ama Beesha Caalamka ma dhaqaaqi karo, waxaana aaminsanahay in dadka ay ugu faaiideeyaan fursadda wanaagsan ee Dowladaha akteeda yaalla” sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed.

Maamulka Galmudug ee uu hoggaaminayo Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor waxa uu wajahay culeysyo siyaasadeed, waxa uu horay u ballanqaaday Madaxweynaha in ka shaqeynayo sidii maamulkiisa u noqon lahaa mid ay ku mideysan yihiin dhammaan reer Galmudug.

 

About Author