Post View....

Fadeexad ka dhacday Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose & Maamulka Koonfur Galbeed oo Wajahaaya

0
60

Fadeexad ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii soo ifbaxday, ka dib markii roobab xoogan ay burbur u gaysteen Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Baraawe.

Garoonkan ayaa waxaa la sheegay in ay dhismihiisa ku baxday adduun lacageed oo dhan afar dhibic saddex milyan oo lacagta Mareykanka ah ($4.3m).

Waxay noqotay arrin dad badani ka yaabisay burburka xoogan ay roobab u gaysteen Garoonka Baraawe, taa oo muujinaysa inaanan si sax ahi loogu hawlgelin dhismihiisa.

Garoonka oo si macmal uun loo dhisay ayaan hadda ka dib awoodi doonin in ay duulimaadyadu ka deggaan, bacdamaa ay burburtay dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan, kolka ay ka degayaan iyo marka ay ka duulayaanba.

Midowga Yurub oo maalgeliyay dhismaha garoonkan ayaa u wakiishay Hay’adda Somali Stability Fund (SSF). SSF ayaana qandaraaska dhismahaasi ku wareejisay shirkad lagu magacaabo Buubaal Investment & General Trading Company. Milkiilaha shirkadan waa Nuur Cali Buubaal, oo ay ehel yihiin Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa 10-kii bishan xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha ee markii ugu horeysay laga hirgeliyay Degmada Baraawe.

Baraawe waa xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbed, inkastoo uu maamulkaasi xilligan ku shaqeeyo Magaalada Baydhabo.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeedba ayaa lacagtii loogu talagalay dhismahaasi uga faa’ideen in ay dadka deegaanku yeeshaan garoon muddo fog shaqayn kara.

Dadka qaarkii ayaa ku doodaya inaysan is qaban karin in Dowladda Federaalka, ay markasta ku hadaaqdo inay dagaal kula jirto musuq maasuqa & wax is daba marinta iyo arrintan ka dhacday Degmada Baraawe.

Magaalo Xeebeedka Baraawe oo 207km u jirta Magaalada Muqdisho ayaa gacanta Dowladda Federaalka soo gashay bishii October ee sanadkii 2014, ka dib markii laga xoreeyay maleeshiyada Al Shabaab

 

About Author