Post View....

Faah Faahin:Gabar Lagu Kufsaday Degmada Warsheekh+Magaca

0
57

Wararka aan ka heleyno Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay gudaha degmadaas lagu kufsaday Gabar la socotay gaari safar ahaa.

Dad ku sugan Warsheekh ayaa soo sheegaya in laba Askari oo Ciidan ah ay Gabdha ka dejiyeen gaari safar oo mararay halka loo yaqaano Burka Sifacad, isla markaana ay gabadha kula dhaqaaqeen fal kufsi ah.

Sidoo kale Gabadha la kufsaday ayaa waxaa loo soo qaaday Xarun Caafimaad ah oo ku taalla Magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladeeda Caafimaad.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Warsheekh ay gacanta ku dhigeen labada ruux ee kufsiga u geystay gabadha, waxaana raggaas la geeyay deegaanka Ceel-Macaan ee hoostaga degmadaas.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Warsheekh oo ay uga hadlayaan dhacdadaas foosha xun ee xalay ka dhacaday gudaha degamadaas, iyadoona xusid mudan tahay in bilo kahor deegaanka Ceel-macaan lagu kufsaday gabar la socotay gaari Safar ahaa.

 

About Author