Post View....

Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay dagaal ay Al-Shabaab kula galeen Bay iyo Bakool.

0
62

Muqdisho:-Janeraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Taliyaha Ciidamada qeybta 60aad ee xoogga dalka ee ka howlgalla deegaannada Koonfur Galbeed Somalia oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay dagaal culus oo Al-Shabaab ay kula galeen deegaanada ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.

 

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in dhowr jeer ay ka hortageen weeraro ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaannada,Buur eyle,Walag iyo Xawaal Barbaar deegaannadaas oo uu sheegay inay horey dadka ku dhibaateyn jireen Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay khasaaro gaarsiiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, islamarkaana haatan ay howlgalo ka wadaan gobolada Bay iyo Bakool

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu tilmaamay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay dhowr ka soo furteen Xoolo ay dad Shacab ah xoog uga soo qaateen.

About Author