Post View....

Dowladda Somalia oo shaacisay qofkii labaad oo Coronavirus laga helay+Vedio

0
49

Dowladda Somaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday qofkii labaad oo Somali ah in laga helay Coronavirus, kaasi oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay in qofkii labaad oo Soomaali ah laga helay caabuqa sida deg dega ah ku faafa ee Corona, kadib baaritaan lagu sameeyey.

Wasiirka wasaaraddaasi Fowsiyo Abiikar Nuur oo shir jaraa’id u qabatay warbaahinta ayaa sheegtay in qof cudurka laga helay uu dhawaan ka yimid dalka dibaddiisa.

Wasiir Fowsiya waxa ay sheegtay qofkaasi in la karantiilay xaaladiisana ay la socon doonto dowladda Federalka Somaliya, islamarkaana qofkaasi uu yahay qof caadi ah oo Caafimaad qaba, balse baaris lagu sameeyay lagu helay caabuqaan.

Wararka qaar oo ay tabinayaan Warbaahinta ayaa sheegaya qofka laga helay Coronavirus inuu yahay mid ka mid dhalinyaro ka timid dalka Talyaaniga oo tababar Ciidan halkaasi ku soo qaatay, balse markii Garoonka ay ka soo dageen dowladda Somaliya ay karantiishay.

Coronavirus ayaa wuxuu halis badan ku haayaa caalamka, waana cudur si deg deg ah ku faafa oo saameyn badan ku yeeshay dunida.