Post View....

DHAGEYSO: Ma Run Baa In Dawladu Been Abuuratay Cudurka Corono?+Jawaabta

0
58

Wasiirka Caafimaadka Dalka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa waxay sheegtay inay ku rajo weyn yihiin xakameynta Caabuqa Corono Virus-ka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha Bulshada la hadal hayey in Cudurka ay Been abuuratay Dawlada Soomaaliya si ay Lacago uga hesho Hay’ada Caafimaadka Adduunka Ee WHO.

Wasiirka Caafimaadka ayaa kulan la qaadatay Maanta Gudoomiye kuxigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad iyadoo ka war bixisey Cudurka iyo sida uu kusoo galay Dalka.

Wasaarada Caafimaadka waxay dalbatay inay Gudiga Caafimaadka Golaha Shacabka inay kala shaqeeyaan Wacyi gelinta Cudurka,dhinaca Maxaabiista xiran iyo Barakacayaasha oo la dar yeelo.

About Author