Post View....

DHAGEYSO: Kenya Xadgudub kale ku sameysay Somalia & digniin laga soo saaray

0
54

Korneyl Aadan Rufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dib u bilaawdey darbiga ay ka dhiseysay Xaduudka,kaas oo horey loo joojiyey.

Waxaa uu sheegay in qorshaha ay dowladda Kenya darbigaas ay ku dhiseyso ay soo bilaabeen sanadkii 2018 balse ay ka horyimaadeen dadka Shacabka,hayeeshee muddo kadib ay markale dib u bilaabeen.

Waxaa hadalkiisa uu intaasi ku darey in Kenya darbiga ay ka dhiseyso in ka badan 50 Km oo ku wareegsan ilaa Xaduudka Raas Kanbooni,hayeeshee Shacabka Soomaaliyeed aysan ku baraarug saneyn.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay ka hortagaan darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xadka ay la leedahay Soomaaliya,sidoo kalena ay kuso xad gudubtay dhulka Soomaaliya.

About Author