Post View....

DEG DEG:Qarax Xoogan oo Gordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
75

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqley degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Baar bulsho oo ku dhow Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho,waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Qaraxa oo ay kasoo baxayaan warar kala duwan ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in uu ahaa Ruux isku soo xirey wayaabaha qarxa oo ismiidaamiiyey,iyada oo ay xusid mudan tahay in wadada ka tagta isgoyska sayidka ee aada dhinaca Xarunta degmada Howl-Wadaag ee qaraxu ka dhacay ay tahay mid dadka ay siweyn u isticmaalaan.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaarey halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo xirey inta badan wadooyinka soo gala Isgoyska Sayidka oo oo ay ku taallo Bar-koontorool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Faah faahinta Warkaan kala socda halkaan

 

About Author