Post View....

Dad la socday diyaaraddii Ethiopian Airlines ee ka dagtay Hargeysa oo laga helay Coronavirus

0
49

Afar qof oo kamid ah dadkii dhowaan ay diyaarada Ethiopian Airlines ay ka dajisay Madaarka Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa laga helay cudurka dunida ku faafay ee Covid-19 ama Coronavirus.

Afartaasi qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Jabuuti ayaa iyagu ka soo dagay madaarka Hargeysa, kadibna uga sii gudbay xuduuda dhulka ee dowladda Jabuuti la wadaagto Somaliland, gaar ahaa Lowyacado, sida ay xaqiijisay dowladda Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa hore u shaacisay inay xayiraad ku soo rogtay duulimaadyadii caalamiga ahaa, midaasi oo kaliftay in dadkaasi ay kasoo dagaan madaarka Hargeysa, kadibna ay Jabuuti ka galaan xuduuda dhuleeda.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay Afartaasi qof in laga helay Coronavirus kadib markii baaritaan lagu sameeyay xili ay isku dayayeen inay xuduuda Lowyacado uga soo gudbaan dalka Jabuuti.

Arrintan ay shaacisay dowladda Jabuuti ayaa sii labo jibaareysa cabsida baahsan ee laga qabay dadka la socda diyaarada Ethiopian Airlines oo duulimaadyadeeda caadiga ah ku timaada Madaarka Hargeysa, midaasi oo suurta-gal ka dhigeysa in Somaliland ay noqoto xudunta Fayruskaasi ee deegaanada Soomaalida.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa hore u fasaxday dad u karantiilna, iyadoo ku sii deysay damaanad sida ay xog ku heshay Badweyn Online, kuwaasi oo kasoo dagayna madaarkeeda, isla markaana looga shakisanaa inay qabaan cudurka Coronavirus.

Waxaana xusid mudan in Rakaabka Ethiopian Airlines ay soo qaado aysan badankoodu dalalka ay ka yimaadeen ka soo marin baaritaan Caafimaad, midaasi oo iyaduna kor usii qaadeysa cabsida Coronaha ee Somaliland.

About Author