Post View....

Covid-19:- Hindiya waxaa la buux dhaafiyay dukaamada raashinka iyo farmashiyada halka Masarna bandow lagu soo rogay.

0
50

Hindiya ayaa waxaa la buux dhaafiyay dukaamada raashinka iyo farmashiyada Arbacadii iyaga oo gadanaya waxyaabaha lagama maarmaanka ah nolosha dib markii ra’iisul wasaare Narendra Modi amar ku bixiyay in gebi ahaanba la xiro suuqyada dalkaasi muddo saddex toddobaad ah si loola dagaallamo cudurka ‘coronavirus’, oo ah dhibaatada haatan ugu daran adduunka oo dhan.

Hindiya guud ahaan 536 kiis iyo 10 dhimasho ah ayaa laga soo sheegay, waxaana ku jira muwaadiniin u dhashay Shiinaha, Italy iyo Spain, laakiin Modi iyo khubarada caafimaadka dalkaasi waxa ay ka digayaan in wadanku 1.3 bilyan oo qof ay wajahayaan mowjad Corona ah hadii aan talaabooyinka adag la qaadin.

Dadka ku nool magaalooyinka muhiimka ah sida New Delhi, Mumbai iyo Bengaluru ayaa u cararayaan in ay kaydiyaan Cuntooyinka kadib markii Modi uu go’aansaday in la xiro suuqyada ka dib khudbad uu u jeedinayay waddankiisa oo dhan, muddo ku siman afar saacadood ka hor intaanu dhaqan gelin.

Wax walba, marka laga reebo adeegyada daruuriga ah sida suuqyada waaweyn, waa la xiray.

Maaddaama dowlad goboleedyadu xireen xuduudahooda, waxaa hoos u dhacay safarada gawaarida Xamuuka ee qaada Caanaha iyo qudaarta Cagaaran, in kasta oo Modi uu sheegay in adeegyada daruuriga ah aan la xanibi doonin.

Dowladda Masar ayaa dhankeed guud ahaan dalkaasi ku soo rogay Bandow si looga hortago Coronavirus.

Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Mustafa Madbuuli waxa uu sheegay in dalka lagu soo rogay Bandow socon doona muddo 15-maalmood, kaasi oo dhaqan geli doona laga bilaabo  Caawa 7-da Fiidnimo ilaa 6-da aroornimo.

Waxa kale oo uu sheegay inay Garoomada Diyaaradaha iyo Xarumaha W/barashadda sii xirnaan doonaan tan iyo bisha soo socota ee April 12-da.

Dalka Masar waxaa laga xaqiijiyey  402 Kiisaska Caabuqaasi iyo dhimashadda 22 qof oo ay ku jiraan 2 Saraakiil sarsare oo ka tirsanaa Milliteriga dalkaasi.

Dhinaca kale, iyadoo Masaajidda dalkaasi la wada xiray ayaa waxaa Baraha Bulshadda la soo dhigay Muuqaalo muujinaya soddomeeyo qof oo Salaadda Subax ku tukanayo Waddooyinka magaalladda Xeenta leh ee Aleskandariya oo ku taalla Koonfurta dalkaasi.

About Author