Post View....

COD:Sidee ayey Al-Shabaab ku awooday inay halis weyn ku noqoto danaha Mareykanka?

0
59

Wargeyska New York Times ee Mareykanka ayaa qoray in kooxda Al-Shabaab ay halis cusub oo aan horey loo arag ku tahay danaha Mareykanka ee Bariga Africa iyo gudaha Mareykanka.

Warbixin dheer oo wargeyska uu qoray ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay qorsheyneyso weerar la mid ah kii Al-Qacida ay sanaddii 2001 ka fulisay Mareykanka, ayada adeegsaneysa diyaarado.

Dhowaan, laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo baranayey habka loo duuliyo diyaaradaha ayaa lagu kala xiray dalka Philippines iyo dal kale oo African ah, oo aan la shaacin weli, sida ay saraakiil sirdoon u sheegeen New York Times.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Stephen Townsend ayaa bishan isaga oo la hadlayay guddi ka tirsan Aqalka Koongareeska Mareykanka sheegay in khatarta Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya, tan gobolka, iyo guud ahaan caalamkuba ay tahay mid dhab ah.

Haddaba, maxaa keenaya in Al-Shabaab oo ay aad u kooban tahay dhulka ay maamusho ay khatar ku noqdaan ammaanka Bariga Afrika iyo danaha Mareykanka?

Taliye ku xigeenka hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA, Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi siiyey idaacadda VOA, ayaa ka jawaabay arrintan.

About Author