Post View....

Ciidamada ammaanka Puntland oo howlgal kawada Magaalada Garoowe+Wararkii ugu danbeeyay

0
68

Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ka socda baaritaano ay wadaan Ciidamada ammaanka, kadib weerar ismiidaamin loo adeegsaday oo xalay ka dhacay Xarunta Gobolka Nugaal.

Ciidamada ayaa baaraya Xaafadaha, Gaadiidka iyo goobo ay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan isla markaana ay ku tuhmayaan in laga soo raray gaariga qaraxa loo adeegsaday.

Saraakiisha Ciidamada Nabadsugidda Puntland ee loo yaqaan PSF-ta ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo ka dhan ah weerarkii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, lagu dhaawacay sarkaal iyo askar.

Dhinaca kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu laamaha ammaanka faray in howlgalkoodu ay uga soo haraan meesha ugu dambeyso oo ah in cadaaladda la hor geeyo dadkii abaabulay Ismiidaaminta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad waxa uu laamaha amniga ku amray in ay dajiyaan qorshe adag oo wax looga qabanayo amni darrada kusii kordheysa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka, weerarkii xalay Garoowe ka dhacayna uu ku xiran yahay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkii ka dhacay Garoowe ee lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland iyo Askar la socotay.

 

About Author