Post View....

Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed oo maanta Dhagaysanaya Khudbadaha Musharaxiinta tartameysa .

0
55

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo tallaado ah dhageysanaya Khudbadaha Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoonka Baarlamaanka maamulkaas.

Musharaxiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa gaareysa ilaa laba Musharax, halka Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ay u tartamayan laba Musharax iyo xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad oo u taagan yahay hal Musharax.

Musharaxiintan ayaa Xildhibaanada Koonfur Galbeed u jeedinaya Khudbadahoooda ku aadan waxqabadka markii la doorto, waxaana haatan Xarunta Baarlamaanka ka socota qaban-qaabada uu Shirka Maanta ku furmayo.

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta, waxaana Doorashada Guddoonka Baarlamaanka lagu wadaa inay dhacdo maalinta berri oo Arbaco ah.

About Author