Post View....

Al-Shabaab oo sheegtay qarax inay ku gubeen Booyadii Biyaha Ciidanka Janaale & Askar lagu dilay

0
61

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha hoose, Qarax miino ayaa loo dhigay gaadiid kolonyo ah oo ay wateen Ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Kolonyada ciidan oo sida la sheegay maraysay nawaaxiga degaanka Jannaale ayaa la kulmay qarax miino oo malayshiyaadka Al-shabaab ay halkaasi ku sii aaseen kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in qaraxa miino ay gebi ahaanba ku gubatay booyaddii biyaha u dhaamin jirtay ciidamada Militariga Soomaaliya ee ku sugan saldhiga degaanka Jannaale halkaas oo ay dhowaan la wareegeen.

Sidoo kale Al-shabaab oo sheegatay qaraxaas ayaa xaqiijisay in ay gubtay booyaddii loogu dhaamin jiray ciidanka islamarkaana ay askar ku dishay qaraxa inkastoo aysan jirin cid xaqiijin kartaa dhimashada askartaas.

Dhinaca kale Taliska Militariga dowladda Federaalka weli kama hadlin qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay mid koodna.

 

About Author