Post View....

Afar qof oo laga fasaxayo xarunta karantiilka coronavirus ee Muqdisho.

0
73

Dowladda Soomaaliya ayaa ku talisay in la fasaxo afar qof oo ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay inuu ku dhacay coronavirus, kaddib markii ay wasaaradda Caafimaadku sheegtay in baaritaanno lagu sameeyay looga waayay cudurka.

Qofkii ugu horreeyay ee Soomaaliya looga helay Covid-19 ayaa lagu soo warramay inuu ka caafimaaday cudurka, sida ay muujiyeen natiijooyinka labo baaritaan oo lagu sameeyay, kuwaasoo ka dambeeyay baaritaankii ugu horeeyay ee lagu sameeyay.

Isaga iyo saddex qof oo kale ayaa la filayaa in la sii daayo, waxaana dhammaan magacyadooda lagu xusay warqad kasoo baxday xukuumadda Federaalka oo ku socotay maamulka xarunta karantiilka.

“Kaddib markii la dhammeystiray habraaca baaritaanka Covid-19 ee lagu sameynayay dadkii looga shakiyay cudurka ee ku jiray xarunta karantiilka, loona maray qaabka ay ku talisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, waxay natiijadu noqotay in laga waayay cudurka. Sidaas darteed mar haddii ay dhammeysteen waqtiga karantiilka, labo jeer oo la baarayna laga waayay xanuunka, waxay Wasaaradda Caafimaadku go’aansatay inay ku taliso sii deyntooda oo dhaqan galeysa laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka March”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya.

Scientist

16-kii March ayaa Soomaaliya laga xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus, mana jirto cid ilaa hadda lasoo tabiyay inay xanuunkan ugu dhimatay gudaha dalka.

26-kii March, Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ku dhawaaqday in qofkii labaad laga helay cudurka Caronavirus, kaasoo ah mawaadin Soomaali ah oo ka yimid dalka Talyaaniga oo maalmo la hayay.

Saddex kiis oo coronavirus ah ayaa ilaa hadda laga xaqiijiyay Soomaaliya, sida ku xusan shaxda Hay’adda WHO ee la socodka tooska ah ee faafitaanka cudurkan.

Tallaabooyinka ay Soomaaliya qaadday si looga hortago faafidda coronavirus

Sawir Coronavirus

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii kiisaska cudurka Covid-19 ay gaareen halkaas waxay wadday dadaallo la isugu dayayo in la xakameeyo xanuunkan.

Tallaabooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka mid ah:

  • 1- Go’aan ku aaddan in la xiro goobaha Barashada Diinta
  • 2- Maamulka Gobolka Banaadir oo amray in la xiro goobaha ganacsi ee ku yaalla Xeebta Liido
  • 3- Wasaaradda shaqaalaha oo kordhisay hakinta soo xaadirista shaqaalaha Dowladda
  • 4- Ammar lagu xirayo Dugsiyada Qur’aanka muddo labo Todobaad ah

Xigasho:BBCSomali

About Author