Post View....

Abiy Ahmed oo la wareegay qalabkii Caafimaad ee loo qoondeeyay Wadama Afrika.

0
71

Magaaladda Adis Ababa ee Caasimada Dalka Itoobiya waxaa maanta oo axad ah lagaariyay qalab Caafimaad ee uu Wadamada Afrika u qoodeeyay Maal qabeenka Shiinayska ah Jack Ma sidoo kala ah aas aasaha Shirkada Alibaba Group.

Diyaarad xamuul ah oo siday 6 milyan oo shay oo qalabka caafimaad ah oo ay ka mid yihiin wajiga gashiga (Maaskaro), qalabka difaaca, iyo xirmooyinka baaritaanka ayaa lagaarsiiyay Caasimada dalka Itoobiya ee Adis Ababa.

Ra’iisul  Wasaaraha Ethiopia, Aby Ahmed ayaa ka mahad celiyay qalabkaan caafimaad oo ay ugu deeqday shirkadda ganacsiga internetka ee loo yaqaan AlibabaGroup.

Shirkadda Alibaba oo laga leeyahay dalka shiinaha ayaa wadamada Afrika ee uu saameeyay cudurka Coranavirus u qeybindoonta malaayiin kamid ah qalabka caafimaadka ee ka hortagga cudurka.

Jack Ma Aas aasaha Shirka ayaa sheegay in qalabkaan uu wax badan ka badali doono ka hortaga Coronavirus ee Wadamada Dhaqaalohoodu hooseeyo ee Afrika.

Abiy Ahmed Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa mahad celinta ka dib sheegay in qalabkaan wadamada kale ee Afrika Isniinta bari ah loo qaybinayo si ay ugu adeegsadaan ka hortaga Caabuqaan dilaaga ah.

Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya ayaa Axadii maanta shaaca ka qaaday in ay xaqiijisay laba kiis oo kale oo ah COVID-19, taas oo tirada guud ee kiisaska ka dhigtay 11.

About Author