Post View....

“Bini’aadanimada laga fiiriyey deegaanada Shabaab ee aan laga fiirin Shacabka Jubbaland maxay tahay?”, CC Shakuur

0
134

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn uga soo horjeedo Siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamusho dalka ayaa si weyn u cambaareeyey falkii ay Dowladda ku xayirtay diyaaradaha tago Magaalada Kismaayo.

Cabdiraxmaan ayaa si waydiiyey Bini’aadanimada ay Dowladda Soomaaliya ka fiirisay deegaanada Shabaabka ay joogaan ee aan laga fiirin Shacabka Jubbalanad.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook

Dawlada Federaalka ah waxay diiday in Al- shabaab lagu daro liiska ururada argagixisada ah ee Al-Qaacida, Dhaaliban iyo Daacish ku jiraan ee hoos dhaca go’aanka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 1267. Waxay dawladu ku dooday sababo la xiriira bani’aadanimo. Waxaase la yaab leh in dawladu ay cunaqabatayso shacabka Jubbaland oo hawada iyo baddaba ka xirto. Kiiska bani’aadanimo ee deegaanada ay Alshabaab xukumaan loo fiiriyey ee aan shacabka Jubbaland loo tixgelin muxuu yahay?

Halkaan waxaa ka cad in maamulka Villa Somalia ka arrimiyaahi uu Alshabaab cadaw u aqoon ee cadawgoodu yahay cidii ay aragtida siyaasadeed iyo xukunka isku qabtaan. Haddaba haddii xukuumadii dhaqankeedu sidaa yahay, aaway labadii aqal ee Baarlamaanka? Aaway guddoonkii Baarlamaanka labada aqal? Mise Waxay noqdeen shaabad lagu dhufsado wixii la doono.

About Author