
Sida ay Badweyn xog ku ogaatay Ciidamada Sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka ayaa xabsiga dhigay kadib markii Mas’uuliyiinta la xiray uu tuhun Al Shabaab soo galay.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsatada Gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan iyo Kuxigeenkiisa ayaa waxa la sheegay in Xarun gaar ah ay NISA leedahay lagu xiray.
Waxaa la ogeyn sababta rasmiga ah ee Xarigooda ku tacluuqo balse Badweyn ayaa ogaatay in magacaabistoodii ay shabaab ka dambeeyeen ama ka shaqeeyeen.
Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay Taliska NISA oo ay faah faahin kaga bixinayaan raggaan mas’uuliyiinta ah ee la xiray.
Gudoomiye Axmed C/llaahi iyo Kuxigeenkiisa ayaa 17 Bishii hore December xilka loo magacaabay,waxaana la ogeyn Xarigooda iyo halka uu ku dambeyn doono.
Nabad sugida Soomaaliya ayaa muddooyinkii dmabe laba jibaaray daba galka shakhsiyaadka Dawlada la shaqeeya ee la tuhmayo inay Al Shabaab gacan saar la leeyihiin.