
Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ayaa si hoose ula heshiiyay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo,sida ay ilo xog ogaal ah inoo sheegeen.
Xildhibaanada la heshiiyay madaxweyne Farmaajo ayaa ka carooday tallaabo aanay ku qancin oo uu ku dhaqaaqay Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Sida aan xogta ku helnay Xildhibaanadan oo aan helin tiradooda inta ay la egtahay ayaa ka soo dhex muuqan doono Xisbiga weyn ee Madaxda Dowladda Federaalka laga sugo,kaas oo horay loo shaaciyay in lagu dhawaaqayo.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka soo goostay Xisbiga Himilo Qaran iyo Hoggaanka Xisbigaas ayaa isku qabtay geedi socodka dhismaha maamulka Galmudug,kaas oo xildhibaanada qaar u cuntami waayay qaabka ay u wajahaan Xisbiga mucaaradka.
Dhawaan ayay ahayd markii Hoggaanka Xisbiga Himilo Qaran ay xilkii Xog-heynimo ee Xisbigaas ay ka qaadeen Xildhibaan C/xakiim Macalim Axmed,kaas oo ka horyimid war ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran oo ku aadan ciidamo Itoobiyan ah oo gaaray magaalada Dhuusamareeb.