
Waxaa cabsi xooggan oo xagga amniga ah ka taagan tahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud,kadib markii magaalada u qeybsantay labo qeyb oo ka kala aramiyaan Dowladda Federaalka iyo Ahlu suna.
Wariyaasha ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in dadka ay qabaan dareen ah in magaalada uu ka dhici karo dagaal dhexmara Ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Ahlu suna Waljameeca oo ku wada sugan magaalada.
Ciidamo aad u hubeysan ayaa lagu arkayaa magaalada,waxaana si aad ah ciidanka Ahlu suna u adkeeyeen ammaanka xarunta Inj oo ay degan yihiin Hoggaanka Ahlu suna Waljameeca oo loolan adag kula jira Dowladda.
Warar soo baxaya oo aan helnay ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay dooneyso iney xoog ku maquuniso Ahlu suna oo ka biyo diidan damaca Villa Soomaaliya ee doorashada Galmudug.
Dhanka kale, musharaxiinta mucaaradka Galmudug ayaa shir aan caadi ahayn ka leh xaaladda soo cusboonaatay ee Galmudug,iyagoo suurta gal ay tahay iney soo saaraan go’aan aan farxad gelin Dowladda.
Maanta waxaa ku eg jadwalkii doorasho ee guddiga doorashada ay soo saareen iyadoo wali aanay isdiiwaan gelin musharaxiinta mucaaradka ah,kuwaas oo saameyn xooggan ku leh doorashada.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan saameyn ku yeelan karto doorashada la filayo iney Dalka ka dhacdo 2020-ka.