Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maalmaha soo socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud halkaas oo ay ka taagan khilaaf dib u dhac ku keenay dhismaha maamulka Galmudug.

Khilaafka adag ee ka taagan dhismaha GALMUDUG ayaa sababay inuu hakad galo hanaanka geedi socodka dhismaha Galmudug,kaas oo mudo sanad ah ku dhow.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska R/wasaare Kheyre ayaa inoo sheegay in Xasan Cali Kheyre uu doonayo xalinta tabashada jirta si loo sii amba qaado dhismaha galmudug-ta loo dhan yahay.

Ururka Ahlu suna iyo musharaxiinta mucaaradka ayaa diiday iney ka qeyb galaan geedi socodka dhismaha Galmudug haddii aanay Dowladda wax ka bedelin siday hadda wax ku socdaan.

Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ee kala ah C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Cabdi Dheere, Kamaal Gutaale iyo C/llaahi wehliye ayaa war murtiyeed ay wadajir u soo saareen kaga hadlay hannaanka doorashada Galmudug.

Musharaxinta ayaa soo saaray  sida ay suurta gal ugu noqon karto si ay uga qeyb galeen doorashada muranka badan ka taagan tahay iyagoo soo bandhigay illaa 7 shuruudo.