December 18, 2025

XASAASI: Turkiga Oo soo laabashada Xukunka Madaxweyne Farmaajo Diidan

Dowladda Turkiga oo Soomaaliya taageereysay laga soo billaabo 2011 ayaa la sheegay in iminka kusoo biirtay waddamada toos usoo fara gelinaya doorashooyinka Soomaaliya.

Qaar kamid ah Musharrixiinta ugu cad cad qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isbuucaan kuwajahan Dalka Turkiga kaddib markii ay casuumad kahelay Madaxda Dalkaas.

Sida ay kuwarramayaan ilo xog ogaal ah xiriirka Dowladda Federaalka iyo Turkiga ayaa gaabis weyn kuyimid sannadkaan 2020.

Lama oga waxa ay saluugsan tahay Dowladda Turkiga, balse waxaa loo badinayaa in aysan ladhacsaneyn qaabka uu wax u wado hoggaanka sare ee Dalka Soomaaliya.

Turkiga ayaan horay looga baran iney kala doortaan musharraxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya. hasa-yeeshe hadda waxay doonayaan baa laleeyahay in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka Dalka si ay meesha u timaado cid ay lajaan qaadi karaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *