Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa hadda umuuqda mid cadaadis la saaray si xilkiisa looga wareejiyo.

Waxa ugu weyn ee Wasiirka lagu jahwareeriyey ayaa ah Galmudugta is heysata uu jaan iyo cirib meel uusan ku dayin aysan jirin balse xal uu uweysan yahay.

Ganacsade Hore ayuu Ahaa Wasiir Sabriye ka hor inta aan wasiir loo magacaabin,waxaana Beesha Habar gidir uu kasoo galay Xilkaan markii Yuusuf Garaad laga qaaday jagadii Wasiir Ee Beesha uu ku hayey Magaceeda.

Ilo Madax banaan ayaa usheegay Badweyn in Wasiir Sabriye ay hadda ubadan tahay in Booska Wasiirnimo uu waayo.

Senetor Cabdi Xasan Cawaale (Qeyb diid) oo katirsan Aqalka Sare Ee Soomaaliya ayaa waxa la sheegay inuu udagaalamayo sidii Beesha Sacad qof kasoo jeeda Xilka Sabriye baneenayo loo dhiibi lahaa.

Xildhibaan Qeyb diid ayaa sheegay in Cawaale Kulane ay la doonayaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyadoo uu la kaashanayo Loolanka socda sidii looga dhabeyn lahaa Samira Geyd Oo lataliye u ah Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Isku shaandheyn dhawaan la sameyn doono ayaana Wasiir sabriye daaqada looga saari doonaa,sida Xafiiska Kheyre xubno ku dhaw sheegeena waa uu aqbalay Ra’iisal Wasaaraha Arintaan loo soo jeediyey.

Si loo yareeyo Awooda Axmed Ducaale Xaaf ayeyna Dawlada Wasiir uga dhigeysaa Cawaale Kulane Oo beesha Sacad kasoo jeeda.

Hore waxaa rabitaanka Cabdi qeyb diid ku yimid loona magacaabay Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) oo laga dhigay Bishii October 2019-kii Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliya,waxaana Kaniif uu ahaa darawalkii Qaaska Ee Qeyb diid.