
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaa saaka laga qaaday dhaawacyadii ka dhashay Qaraxii Ismiidaaminta ee lala eegtay Shaqaalaha Turkiga, kaasi oo ka dhacay meel ku dhaw Koontaroolka Baar Ismaaciil ee Afgooye.
Dhaawacyada saaka loo qaaday dalka Turkiga, ayaa waxa ay isugu jiraan Shaqaalihii Turkiga ee wadada dhisaayay & Ciidamo ka tirsan Booliska Haramcad. Turkida Qaraxaasi Ismiidaaminta dhaawaca uu ka soo gaaray, waxa ay gaarayaan illaa 5 ruux, halka sidoo kale Ciidamada Booliska Haramcad ee qaraxa ku dhaawacmay ay gaarayaan illaa 6 Askari.
Tan & markii qaraxaasi Shabaab ay gaysteen 18kii Bishan, waxaa Isbitaalka Digfeer lagu daaweynaayay dhaawacyada ka dhashay Qaraxaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa shalay kulan la qaatay Masuuliyiinta Shirkadda ku hawlan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye, waxaana uu kala hadlay inay sii laba jibaaraan dhismaha wadada.