
Khatira oo ah qof dumar oo ka tirsan booliska dalka Afgaanistan, way ogtahay in khatar ay u bareertay.
Dhibaatada ay kala kulmeyso si ay dalkeeda u difaacdo waa mid aad u weyn – waxayna ahayd mid si degdeg ah ku billaabatay oo saameyn ku yeelatay nolosheeda.
Markii ay dhameysay saacadihii shaqada, waxay aaday gurigeeda oo ku yaalla bartamaha magaalada Ghanzi, waxaana dhexda u galay laba nin oo mooto la socday iyo mid lugeynayay.
“Midkii lugeynayay wuxuu ku dhawaaqay ‘toogo, dil’!” Khatira ayaa sidaa BBC u sheegtay. “Ma garaneynin. Waxay igu soo weerareen meel u dhow gurigeyga.”
Gabadhaas askeriga ah way dhacday, wejiga ayeyna ku dhufsatay dhulka. Ka dib waxay soo toostay iyadoo isbitaal taalla oo indhaha ay uga yaallaa dhaawacyo middi oo lagu duray.
“Xanuun ayaan dareemay, waxna ma arki karin. Dhakhtarka wuxuu ii sheegay in indhaha la iga dhaawacay, oo aanan furi karin,” ayey tiri.
Ka dib, waxaa loo sheegay in ay guriga aado, ayna soo noqoto bil ka dib si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo indhaheeda.
Markaa ka dib, waxayna ogaatay in aysan indhaba lahayn oo aysan waxba arki karin.
‘Dagaalka dacaayadda ah’

XIGASHADA SAWIRKA,AFGHAN MINISTRY OF INTERIOR
Dhacdadaas argagaxa leh waxay dhacday dhowr bilood ka hor, balse hadda ayey dowladda ogaatay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Afgaanistan, Mascuud Andarabi, ayaa la kulmay Khatira, 6-dii bishan October. Wuxuu u ballan qaaday in guri la siinayo, dowladdana ay bixineyso dhaqaalaha lagu daweynayo.
Farriin uu Twitterkiisa ku qoray ayuu ku sheegay in Taliban ay ka dambeysay weerarka: “Talibaan awood ay ku burburiyaan dalkan ma lahan,” ayuu yiri.
Ururka Talibaan ayaa beeniyay in wax lug ah uu ku lahaa weerarkaas.
Balse dalkan sida adag ugu dhegan dhaqamo kala duwan, waxaa saameeyay colaado iyo dagaal ka sareeya siyaasadda, sida ay sheegtay Meena Baktash, oo ah tafatiraha Laanta BBC Afghan.
خاطره زړوره پوليسه ده. پلار یې طالب دی. دواړه سترګې یې ځنې وېستلي او شديده یې زخمي کړې. نن مې دفتر ته راغلې وه. د درملنې ژمنه مې یې وکړه او دې ته مې د يوه اپارتمان د ورکړې حکم ورکړ. طالبان نشيکولی په جبر دا ملت مات کړي. امنيتي ځواکونه په هيڅ قيمت د دې هېواد له دفاع غافله نه دي. pic.twitter.com/lGt4opJOyy
— Masoud Andarabi (@andarabi) October 6, 2020
https://platform.twitter.com/widgets.js
“Dowladda waxay eedeysay Taliban oo dhankeeda beenisay arrintaa. Sidoo kale, majirto cid daneyneysa dhaawaca, fakhriga iyo dib u socodka bulshada Afgaanistan, iyo dhaqamada iyo xuquuqda dumarka,” ayey tiri.
Ms Baktash waxay sheegeysaa in sheekooyiinka sida midda Khatira “loo adeegsado dagaal dacaayad ah” oo u dhexeeya dowladda iyo Talibaan.
Sheekada Khatira markii ay dhacday lagama warramin, lagumana soo qorin warbaahinta waaweyn. Balse ka dib markii BBC ay wareysatay, aynajawaab ka dalbatay wasaaradda Arrimaha gudaha, ayey soo jiidatay indhaha dowladda iyo caalamka.
“Maalin kasta tobannaan gabdhood ayaa loo geystaan tacadiyo. kuwo sanka laga jaray, kuwaa dhegaha laga gooyay iyo kuwo la garaaco lana jirdilo,” sida ay sheegtay tafatiraha BBC Afghan.
“Waxaa jiro dhacdooyiin badan oo ku saabsan gabdho yaryar oo sigaar looga gubay gacmaha iyo lugaha, balse lagama warramo.”
Meel halis weyn u ah haweenka

Hay’adda Oxfam waxay sheegtay in Afgaanistan ay ka mid tahay dalalka ay halista ugu weyn kala kulmayaan haweenka.
Dumarka ka tirsan booliska waa la faquuqaa waxayna u dhintaan shaqada ay hayaan, sida ay sheegtay hay’addaas.
Weerarrada loo geysto haweenka ciidanka ah ayaa dhowaanahan ku soo badanaya gobollada Ghazni, Kunduz iyo Kabul.
Balse tafatiraha laanta BBC Afghan, waxay sheegeysaa in dareen aan loo lahayn sidii dhibaatadaa wax looga qaban lahaa, haddii aan laga maqlin warbaahinta.
“Dowladda waxay eedeysaa Talibaan, laakiin marka ay sidaa sheegaan waxay qiranayaan in aysan difaaci karin dhibbanayaasha”, ayey tiri Baktash.
Khatira aabeheed ayaa la xiray waxaana lagu eedeeyay in uu isaga amray weerarka gabadhiisa lagu qaaday. Gabadha waxay sheegeysaa in dhacdada ay timid sababtoo ah aabeheed muusan dooneyn in ay shaqadaa qabato.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Afgaanistan Mascuud Andarabi, wuxuu aabaha ku eedeeyay in uu ka tirsan yahay Talibaan, balse booliska Ghazni waxay sheegayaan in uu yahay qof shacabka caadiga ah.

Ka dib markii ay u dhammaatay daweyn loo geeyay isbitaal ku yaalla Kabul, waxay Khatira dib ugu noqotay Ghazni.
In kastoo dhaawacyo ay gaareen, haddana Khatira waxay sheegeysaa in ay dooneyso in ay dib ugu noqoto shaqada booliska. Laakiin maamulka ayaa u diidan arrintaas.
“Waxay ii sheegeen, ‘indhaha ayaad la’dahay, ma shaqeyn kartid. Waa in aad shaqada ka fariisataa.’ waxaan u sheegay; Maya. Shaqada kama tagayo.”
Waxaa ka go’an in ay sii ahaato askeri booliska ka tirsan, waa haddii ay daweyn heli karto, arageedana loo soo celin karo.
“In aan shaqada dib u billaabo waa ujeedkeyga ugu weyn,” ayey tiri Khatira. “Si aan nafteyda u muujiyo, guul u gaaro, dalkeygana ugu shaqeeyo.”
*Waxaa warbixintan diyaarisay Aalia Farzan, macluumaadka dheraadka ahna waxaa ku daray Haseeb Ammar, oo ka tirsan BBC Afghan Service
Leave a Reply