December 19, 2025

Naadiga Caalamiga ah ee dhalinyarada Islaamka oo gargaar gaarsiiyay dadka uu saameeyay COVID19.

MUQDISHU:-Xafiiska Naadiga Caalamiga ah ee dhalinyarada Islaamka ee Soomaaliya ayaa gargaar raashin ah u qaybiyay qoysas danyar ah oo ku nool duleedka magaalada Mudisho iyo xeryaha barakacayaasha ee degmada Dyniile.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Naadigaan ayaa lagu sheegay in gargaarkaan ay ka faa’ideysteen in ka badan 1000 qoys oo isugu jira Agoon, barakacayaal iyo dad sabool ah.

Ujeedada kaalmadaan ayuu ku sheegay Xafiiska Naadiga Caalamiga ah ee dhalinyarada Islaamka in la yareeyo duruufaha nololeed ay dadkaasi xilligaan wajahayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *