December 18, 2025

Maxay dowladda Hindiya uga aamusan tahay dalabka uga yimid Israa’iil ee ku saabsan Falastiin?

Sida uu shaaciyay wargeyska Indian Express, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa farriin u diray Ra’iisul Wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi, wuxuuna ka dalbaday inuu ku garab istaago arrinta la xiriirta go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka Adduunka (ICC).

Netanyahu ayaa warqad uu u qoray Hindiya oo uu u yaqaanno ‘saxiibkiisa wanaagsan’ wuxuuna hoggaamiyaha dalkaas u sheegay in uu jeediyo hadal kasoo horjeeda go’aanka ICC-da, isagoo u sheegay inuu u caddeeyo mowqifkiisa ku aaddan mowduucaas.

Isbuucii lasoo dhaafay ayey garsooreyaasha maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee waddanka Netherlands sheegeen in dhammaan waxyaabaha ku saabsan dhulka Falastiiniyiinta uu yahay mid ay iyagu si buuxda go’aan uga gaari garaan ama xukun uga soo saari karaan.

Waxay maxkamaddu sheegtay in ay baadhitaanno ku sameyn karto eedeymaha ku saabsan in Israa’iil ay dambiyo dagaal ka geysatay dhulka falastiiniyiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *