
Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in la qaadey xayiraadihii isu socodka ee Coronavirus dartiisa loogu soo rogay magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Mandera ee dalka Kenya.
Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in 30 maalmood lagu kordhiyey bandowga guud saaran dalkaasi si looga hortaga faafitaanka Xanuunka.
“Xaaladda go’doonka mar kale ayaa lasoo rogi doonaa hadii xaaladda caafimaad ee waddanka ay kasii darto,” ayuu ka yiri shir jaraa’id oo uu warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa, isagoo xusay in amarka qaaditaanka xayiraada uu berri dhaqan-galayo.
Kenyatta ayaa sheegay in safarka maxalliga ah ay dib u bilaaban doonaa 15July iyadoo la raacayo tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Gaadiidka dalkaasi.
Uhuru ayaa sidoo kale sheegay in dib loo furayo goobaha cibaadada iyada oo la raacayo tilmaaha adage ee ay soo rogi doonto wasaarada Caafimaadka Kenya.
Kenya ayaa xaqiijisay in ka badan 7 kun xaaladood oo ah Covid19, bogsashada waxay ka badan tahay laba kun, halka dhimashada ay mareyso 160.
Leave a Reply