Warar inaga soo gaaraya Magaalada Baardheere ayaa waxay xaqiijinayaan in Dawlada Soomaaliya Diyaarado Ku geysay Ciidamo Kabadan 100 Askari.

Inkastoo tiro sugan aan laheyn Ciidanka la geeyey Halkaasi waxaa hadana la xaqiijiyey in 130 ay gaarayaan,kuwaas oo Dawlada Dhexe ay ka daabushay Muqdisho.

Badweyn waxay ogaatay in Ciidankani yihiin kuwo loogu talo galay inay la wareegaan Magaalada Kismaayo oo duulaan dagaal ay Dawlada damacsan tahay.

Is qab qabsiga udhaxeeya Jubbaland iyo Dawlada Dhexe weli waxay umuuqataa mid sii cakirmaya xilli Axmed Madoobe uu Dalka Kenya kusugan yahay.

Ciidankani ayaa waxaa la sheegayaa inay dhanka Luuq ugudbeen islamarkaana saraakiisha ay sheegeen in Askartani yihiin kuwo Qalabkooda dhameystiran yahay.

Ma jirto war kasoo baxay Dhanka Jubbaland iyo Dawlada Dhexe oo looga hadlayo Ciidanka laga daabulay Muqdisho Ee Gedo la geeyey.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamadani ay yihiin kuwo katirsan Booliska Haramacad oo la tilmaamay in loogu talo galay sugida Amniga Deegaanadii Jubbaland laga gacan bixiyey Ee Gobolka Gedo.