
Sida wararka aan ku helnay waxaa saacadaha soo socda magaalada Muqdisho soo gaaraya diyaarad gaar ah oo loogu talagalay iney qaado dhaawacyadii shaqaalaha Turkiga ee waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay degmada Afgooye ee lala beegsada Injineerada Turkiga ee ka shaqeynayay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan gudaha Garoonka Aadan Cadde ayaa inoo sheegay in diyaarad gaar ah oo ay soo dirtay Xukuumadda Ankara ay ku soo wajahan tahay magaalada Muqdisho si loogu qaado dhaawacyada Injineero Turkish ah oo ku dhaawacmay Qarax ay la beegsadeen Al-Shabaab xilli howlo dhismo ay ka wadeen wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Ururka Al-Shabaab ayaa Dowladda Turkiga ku tilmaamay Cadow,waxayna markii labaad beegsadeen Injineero Turkish ah,kuwaas oo qandaraas ku qaaday dhismaha wadadaas muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shalay la kulmay maamulaha Shirkadda qandaraaska ku qaadatay dhismaha wadada ayaa ku dhiira gelisay howsha adag ay Bulshada Soomaaliyeed u hayaan,isagoona u balan qadaay in ammaankooda si weyn loo adkeynayo.