
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahan ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diidey inay wada-hadlaan.
Waxaa uu sheegay in dad badan aaminsan yihiin inay iyaga dowladda curyaaminayaan,hayeeshee isaga uu dalbadey wada-hadal balse uu waayay dad uu la hadlo.
“Runtii dadka waxaa ay inaga aamineyn inaan dowladda lugaha aan heysano,waxaa ii yimid Guddoomiyaha Aqalka Sare,waxana ku ari Farmaajo ila hadashii laakin jawaabtii uu i siiyey ayaa waxaa ay aheyd in uusan heyn cid uu ila hadashiiyo ayuu yiri”Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyn sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhibaatooyin kala duwan ku heyso dowlad goboleedyada sigaar ah Maamulka Jubbaland.