
Dowladd Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyey in la dilay Madaxii Sirdoonka Al-shabaab ee Gobalka shabeelaha hoose
Taliyaha Ciidamadda Booliska Baraawe Ibraahim aadan Cali oo hadlay idaacadda simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay In howlgal ay fuliyeen ciidamadda Danab lagu dilay sarkaalka xili uu ku sugnaa hoygiisa.
Waxa uu sheegay in qorshaha uu ahaa in gacanta lagu soo dhigo balse uu dagaalamay,taasina ay keentay in la dilo.
Ciidamadda Danab ee Mareykanka oo Tababaray ayaa habeen hore weerar ku qaaday hoy uu ku sugnaa sarkaalka,waxaana halkaas ka dhacay israsaaseyn muddo kooban socotay.