
Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax goor dhow uu ka dhacay Agagaarka Isgoyska Baar Ismaaciil .
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si weyn looga maqlay Xaafaddaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa waa lala eegtay goob lagu qaado Canshuur oo ku taalla Halka lagu Magacaabo Boodboodka, waxaana ka dhashay Khasaare kala duwan.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaaan in Qaraxa uu ahaa ismiidaamin.