December 18, 2025

Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan & Madaafiic La Maqlay

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in weerar lagu qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM kuwooda ka socda Dalka Itoobiya.

Dagaalamayaal katirsan Al Shabaab ayaana hujuumkaan fuliyey,iyadoo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidanka Itoobiya ayaa Madaafiic ku garaacay Xaafado Shacab degganaayeen inkastoo khasaaro aan lasoo tebin.

Waxaa adag in la ogaado Waxyeelada kala gaartay dhinacyada dagaalamay,waxaana Xaalada markii dambe ay caadi kusoo laabatay.

Weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah ayey Al Shabaab ku kordhiyeen Fadhiisimaha Ciidamada AMISOM ka deggan yihiin Gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *