Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi ay ka socdaan kulamo Siyaasadeed oo ku aadan doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug.

Musharaxiinta Galmudug ayaa xalay ku jira loolan adag oo ku aadan doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug oo maalinta berri ah lagu waddo in doorashadiisa ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

Musharaxiinta ay dowladdu wato iyo kuwa Mucaaraadka ah ayaa kulamo gooni gooni ah la leh Xildhibaanada si ay codkooda u helaan maalinta berri ah.

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v5.0

Qiimaha halkii xildhibaan ayaa xalay marayo lacag u dhaxeyso 10 – 15 Kun oo Dollar, waxaana lacagta ugu badan bixineyso Dowladda Soomaaliya oo Xildhibaano badan ku xareysatay guryaha ay dagan yihiin xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta wado ololaha Doorashada.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana qaar ka mid ah Musharaxiinta ay walaac ka muujiyeen sidda dowladda Soomaaliya ay u maamuleyso doorashadda Galmudug.