Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo uu wehelinayay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekeda iyo Xarunta Wasaarada Dekedaha Puntland.

Axmedn Madoobe ayaa u kuurgalay sida ay u socdaan howlaha dekeda Boosaaso, isagoo mid mid u booqday xafiisyada iyo qeybaha dekeda.

Waxaa kale oo wafdigu ay booqdeen Xarunta Taliska saldhiga bartamaha ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale iyagoo u kuur galaya sida ay shaqooyinku u socdaan.

Waxaa uu kormeerkan ayaa ahaa mid khibrad wadaag ah iyadoo Masuuliyiinta Kale ee Madaxweynaha la socotay ay la kulmeen dhigooda xarumahan ka howlgalaya.