
Ururka Al Shabaab ayaa war kasoo saaray goordhaweyd Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta Duhurnimadii ka dhacay Degmada afgooye.
Qaraxaas ayaa loo adeegsaday sida la sheegay Gaari Caasi ah Ama Hoomeey,qaraxaas oo khasaaro kala duwan geystay.
Goob Ciidamo Dawlada katirsan iyo Turki Kusugnaayeen oo dhismaha ka socday ayey Al Shabaab sheegeen in la isku miidaamiyey.
Waxay sheegeen in Dhowr Qof ku dileen shakhsiyaadkii bartilmaameedka ahaa,iyagoo xaqiijiyey in Turki Afar ah sidoo kale dhaawaceen.
Qaraxaas ayaa bur buriyey Gaadiid dagaal oo ciidamo wateen ayaa lagu yiri Al Shabaab iyagoo ku faanay inay yoolkii laga lahaa qaraxa la gaaray.
Xaalada ayaa caadi kusoo laabatay Qaraxa kadib Isgoyska Baar Ismaaciil oo muddo la xanibay isku socodka guud kadib qaraxii Duhurnimadii halkaasi ka dhacay.