
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa cambaareeyay weerarkii galabta lagu qaaday hoteelka Elite ee magaaladda Muqdisho.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa ayuu ku cambaareeyay qaraxa,wuxuuna baaq u direy Madaxweyne Farmaajo uu ugu baaqay in uu dib u habeyn dhinaca hoggaanka ah ku sameeyo Hay’adda NISA.
“Waxaan si xooggan u canbaaraynayaa weerarka ay kooxda argagexisada Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Elite. Allaha u naxariisto dadkii ku nafwaayey, Allahana caafiyo intii ku dhaawacantay. Maalmahan danbe weerarrada iyo qaraxyada argagexisada way sii kordhayaan. Way cadahay fashilka hay’adda NISA iyo xil gudasho la’aanta taliska hay’adda. Haddaba, waxaan ka dalbaneynaa Madaxweynaha in uu dib u habeyn dhinaca hoggaanka ah ku sameeyo NISA, danta shacabka ka hormariyo danta saaxibtinnimo ee kala dhaxaysa taliyaha NISA.
Leave a Reply